Välj språk här Välj språk här

Warqad jeexeed

Alaabtii la raraayey inteedii ugu danbeysay ayaa tagtey; kireystaha guriga, inan dhalin ah oo calaamad asay ah koofiyada ku sita, ayaa mar labaad guriga ku wareegaaya si uu u eego inuu wax iloobey. – Maya, waxba maa uu iloobin, waxba ha yaraatee; markaas ayaa u baxay, daarada, isagoo go’aan adag ku qaatey inaanu marna dub uga fikirin waxa gurigan ka soo maray. Laakiin eeg daarada, telefoonka aktiisa waxa kor ku dhagneyd warqad jeexeen; waxaaney ku qorneyd faro kala duwan, qaar waxay ku nashqadeysnaayeen qalin biiroo, qaarna lagu feegarey beensal ama qalin cas. Halkaay ayay taagneyd, dhamaan taariikhdan quruxda badan oo dhan, ee socotey wakhtiga gaaban ee labada sano. Dhamaan wixii uu rabey inuu iloobo ayaa halkaa taagnaa; hal nolol qof aadame ah oo warqad jeexeed ku taala.

Jeexii ayaa soo dajiyey; waxay ahayd mid ay cadceedu caseysey, oo ay ka ifayso. Waxa uu saarey girgiraha dhoobada khaanadiisa, isagoo markaa ku foorarsadey akhriyaayana markaa. Waxa marka hore ku qornaa magaceeda: Alice, magaca ugu quruxda badan ee uu garanaayo. Iyo lambarka – 1511. Waxay u eekeyd lambarka heesaha kiniisada. Halkaa waxa ku qornaa oo kale. Baniga. Waa shaqadiisa, shaqada muhiimka, ee keentaa quutal daruuriga, guriga iyo xaaska, waxa loo nool yahay. Laakiin waa la dul xariiqay! Ilayn bangigii wuu dhacay, laakiin waxa badbaadiyey bangi kale, laakiin waxti yar oo warwar aad u badani jirey.

Markaa aayay timid. Ubaxa kuwii gadaayey iyo faraskii la raacaayey. Waa meherkii, markaas oo ay jeebada lacagi uga buuxdey.

Ka dib: iibiyaha qalabka guryaha, warqad ku dhajiyaha: waa uu dageyaa. Shirkada guuritaanka: way soo galayaan. Xafiiska tigidhada tiyaaterka: 50 50. Waa dad dhaqaan is guursadey oo taga tiyaaterka axadaha. Wakhtigooda ugu fiican marka ay iyagu aamus ku fadhiyaan, oo ay la kulmaan qurux iyo kal gacal ku jira sheekooyinka riwaayadaha tiyaaterka. Halkan waxa sii raacaaya nin magacii, kaas oo la masaxay. Waa saaxiib, shaqada bulshada heer ka gaadhay, laakiin aan guran midhaha nasiibka, oo dhacay, caawimo la’aan, oo meel fog u safrey. Wax qurux badan weeyi!

Halkan waxa ku qoran wax cusub oo nolosha lamaanaha ku soo kordhey. Waxay ku qoran tahay, far dumar, iyo qalin beensal: »Marwada». Marwadee? – Haa, ta xidhan koodhka weyn ee wajiga furfuran, ee si aamusan u soo gasha, ee aan fadhiga u soo dhex marin markay qolka hurdada ku socoto. Magaceeda hoostiisa waxa ku qoran Dhakhtar L.

Markii ugu horeysay ayuu magaca qof qaraabo hi soo baxayaa. Waxa ku qoran »Hoooyo». Waa sodohda, oo si isku dhowraysa iyadoon rabin inay dhibto arooska cusub, laakiin hada loogu yeedhay arinta degdega ah awgeed, iyadoo ogol inay timaado, maadaama loo baahan yahay.

Halkan waxa ku qoran buluug iyo casaan. Xafiiska shaqada: jaariyadii waa ay guurtey, ama mid cusub ayaa la shaqaaleysiinayaa. Farmasiiga. Hm! Way rajo beeshay! Shirjada caanaha. Halkan waxa la dalbanayaa caano, saafi ah.

Khudaar, hilib iwm. Shaqada guriga waxa lagu qabtaa telefoon; maadaama aaney ooridii gurigu joogin. Maya. Maxaa yeelay sariir ayay jiiftaa.

Intaa kadib wixii raacsanaa muu akhriyi karin, maadaama ay ilmo indhahiisa ku taagneyd, sida ku dhacda qof biyadha dhanaan ee bada quusa isagoo indhaha kala furay. Lakiin halkaa ayay ku qorneyd: Xabaal qodaha. Hadal way dhameeyeen! – Mid weyn iyo mid yar, waa la fahmey, naxashka. Iyadoo qoraalka ilmahu ka samysanaa dhoobo.

Kadibna wax dheeraad ahi kumay qorna! Dhoobo ayay ku dhamaatey; waanay tahay sidaas. Laakiin waa uu qaatey warqadii cadceedu caseysay, isagoo dhunkaday jeebadana ku ritey.

Laba saacadoo ayuu ku guud maray laba sano oo noloshiisa ah. Maa uu nijad jabsaneyn markii uu sii baxaayey; waxuu ahaa mid madaxiisa kor u qaadey, sida qof faraxsan oo qab weyn,  Isagoo dareensanaa inuu leeyahay waxa ugu quruxda badan. “Imisa gacmood AYAAN wali, TAASI soo marin!”

 översatt av företaget; Snabböversättare